4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Mudaharaado lagaga soo horjeedo duulaanka Ruushka oo ka soconaya Moscow iyo magaalooyin kale
 

Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 1,700 oo mudaharaadayaal Ruush ah ayay booliisku xabsiga dhigeen kadib markii ay kumanaan qof oo kasoo horjeeda duulaanka dowladoodu ku qaaday Ukraine, ay iskugu soo baxeen Moscow iyo magaalooyin kale sida Aljazeera sheegtay.

Kumanaan dad Ruush ah oo ka walaacsan duulaanka Putin uu ku qaaday Kiev, ayaa baraha bulshada isku waydaarsaday fariimo, ay kaga walaacsanyihiin dagaalka, taasi oo isku badashay mudaharaad balaadhan.

Ciidanka Booliiska Ruushka, ayaa 1,745 mudaharaadayaal ah kasoo xidhay 54 magaalo oo ku filiqsan dalka Ruushka, maalintii Khamiista, 957 kamid ah dadkan ayaa laga qabtay magaalada caasimada ah ee Moscow.

Dadweynaha Ruushka ayaa iyaga oo kumanaan ah saxeexaya codsi, ay Kremlin ka kaga dalbanayaan in uu jooji dagaalka uu kula jiro Ukraine, codsi uu bilaabay nin ku caan  ah u doodista xuquuqda aadanaha oo la yidhaa Lev Ponomavyov, ayaa markiiba gaadhay 330,000 oo saxeex dhamaadkii maalintii Khamiista.

250 saxafi oo Ruush ah ayaa dowlada u gudbiyay codsi ay ku doonayaan in dagaalka la joojiyo, codsi kalena waxaa saxeexay 250 saynis yahan oo Ruush ah, sidookale waxaa iyaguna codsi diray 194 xubnood oo kamid ah dowlada hoose Moscow.

Duulaanka dowlada Ruushka ee ka dhan ka ah Ukraine, ayaa soconaya iyadoo xukuunada Kiev sheegtay in ciidamada Ruushku ay dileen 137 rayid ah, isla markaana ay dhaawaceen daraasiin kale.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online