4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 25, 2022
Guddiga doorashada Galmudug oo qabtay doorashada afar kursi oo aqalka hoose ah


Jimco, Febraayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashada dadban ee Galmudug, ayaa maanta oo jimce ah qabtay doorashada afar kursi oo katirsan kuraasta aqalka hoose, kuwaas maanta lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Yuusuf Xayle Jimcaale oo horey uga tirsanaa barlamaankii hore ee Soomaaliya, ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP012. Xildhibaan Xayle ayaa ergada doorashada ka helay 93 cod.

Faa’iso Maxamed Jayte ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP048 ee golaha shacabka Soomaaliya. Waxay doorashada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ka heshay 96 cod.

Cabdisaabir Nuur Shuuriye, wasiirka dekedaha Galmudug, ayaa ku guuleystay kursiga HOP071.  Shuuriye oo sidoo kale katirsanaa barlamaankii hore wuxuu doorashada ka helay 80 cod.

Sidoo kale, Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) ayaa ku guuleystay kursiga HOP137 ee golaha shacabka. Musharax Xusul wuxuu helay 92 cod.

Iskusoo duuboo, Galmudug ayaa noqotay meesha ugu badan ee ay kasoo baxeen xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta ee muddo xileeedkeeda uu dhamaaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online