4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo Shaaciyay iney hakiyeen sadax kursi uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin
 

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo goordhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney hakiyeen doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta guddoomiyaha guddiga doorashada uu shaaciyay iney hakiyeen ayaa kala ah HOP154, HOP 103 iyo HOP 086, oo ahaa kursigii uu shalay ku soo baxay La taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha muddo xileddkiisa dhamaaday ee Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraasta kale ee kala ah HOP 154, oo ay ku soo baxday Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayuu guddigu sheegay in aan loo marin habraacii saxda ahaa, maadaama gabadha la tartantay aysan da’deeda gaar siisneen 25 sano jir iyo Kursigii guddoomiye Jawaari ku fadhiyay ee HOP 103, ayaa isna ka mid ah sadaxda kursi ee la hakiyay.

“Kuraastaan oo habraacoodii khaldamay, kuna toosneyn sidii loogu tala galay dib ayaa looga fiirsanaya, inta ka horeysana waa la joojiyay oo sidooda ayey ahaanayaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal.

Shalay ayay aheyd markii guddiga doorashada heer Fedaraal ay shaaciyeen inuusan waxba iska badalin go'aankii ay ku hakiyeen kursiga 086, oo uu shalay kuso baxay Fahad Yaasiin.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee ka soo jeeda maamulada Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa wada abaabulka talaabo ay kaga jawaabayaan go'aanka kasoo baxay guddoomiyaha guddiga doorashada heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online