4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga.

Qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yidhi "Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah".

Madaxweynaha Somaliland, ayaa Jabuuti ku joogi doona safar qaadan doono maalmo, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa kulanka ku wehelinaya, saddex wasiir oo kala ah, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Xasan Saajin.

Dhinaca Jamhuuriyadda Jabuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]