4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Alshabaab oo sheegatay qaraxii lala eegtay kolonyo ciiddan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso.

War kooban oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay, in beegsigooda uu ahaa madaxweynaha Puntland, balse uu ka badbaaday weerarkaas, waxayna sheegeen inay ku dileen askar kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni.

Qaraxa Boosaaso ka dhacay ayaa kusoo aaday xilli ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ay magaalada ku suganyihiin siyaasiyiin doonaya in xildhibaanno loo doorto.

Qaraxa maanta ka dhacay Bosaso oo ahaa mid lagusii qariyay laamiga dhinaciisa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland.

Ugu yaraan labo askari oo lagu kala magacaabo, Fanax iyo Maxamed Dheere, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, afar kalena ku dhaawacmeen.

Laamaha amniga ayaa ku guul daraystay in ay wax ka qabtaan qaraxyada Boosaaso kusii kordhaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online