9/30/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Taiwan oo Somaliland ka caawinaysa samata bixinta dadka abaaruhu sameeyeen


Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Xukuumada Taiwan, ayaa Somaliland ku wareejisay gargaar lacageed oo dhan $500,000 oo ay kaga qayb qaadanayso gargaarka dadka abaaruhu saameeyeen ee reer Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Guddida Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa munaasibada lagu qabtay madaxtooyada deeqdan lacagta ah kaga guddoomay madaxda xafiis wakiileedka Taiwan ee Somaliland.

"Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

"Waxana uu madaxweyne-ku-xigeenku uga mahadnaqay dawladda Taiwan tallaabada lexejeclada leh".

Wakiilka Taiwan u jooga Somaliland Allen lou oo isagu xukuumadiisa iga wakiil ahaa wareejinta deeqdan lacagta ah, ayaa sheegay in ay lacagtan ugu talo galeen si wax loogaga qabto xaalada abaarta.

"Waan ku faraxsanahay in aan madaxweyne ku xigeenka ku wareejiyo gargaarka ay Taiwan ugu talo gashay abaaraha, si aanu wax uga tarno abaaraha daran ee Somaliland, anaga oo og in culayska abaartu uu sababay biyo la'aan iyo daaq la'aan, Taiwan waxay dowlada Somaliland ugu deeqaysa  $500,000" ayuu yidhi lou.

"Waxa kale oo aanu bixin doonaa 300 oo tan oo Bariiska Taiwan  ah, si aanu wax uga tarno cunto yarida".

Taiwan ayaa xukuumada Somaliland horey uga taageertay la dagaalanka caabuqa Covid-19, iyadoo ugu deeqday tallaal bilaash ah iyo qalab, sidookale, waxay gacan ka gaysatay horumarinta tiknoollajiyada, caafimaadka iyo beeraha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
2/21/2022 10:16 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo goordhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney hakiyeen doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

2/21/2022 9:29 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga.

2/21/2022 7:08 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso.

2/21/2022 6:13 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Kolonyo ciiddan oo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weeraray Qarax miino, iyagoo sii galayay magaalada Boosaaso.

2/21/2022 4:42 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed ayaa guddi xeer ilaaliyayaal ah u magacaabay, si baaris loogu sameeyo, tallaabada ku habboona looga qaato heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

2/21/2022 4:17 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay ee doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi ee golaha Shacabka, ayaa maanta doorashadooda lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

2/21/2022 3:07 AM EST
Axad, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa saaka safar ugu ambo baxay Jamhuuriyada Jabuuti.

2/21/2022 12:57 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

2/21/2022 12:41 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa ka horyimid natiijada doorashadii kursiga HOP 086, kaasoo shalay doorashadiisa oo ka dhacday Baledweyne uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

2/21/2022 12:35 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay heshiiskii shidaal baarista ah ee uu saxiixay wasiir kamid ah dowladda federalka, inuu yahay heshiis halis ku ah qaranimada Soomaaliya.

2/21/2022 12:30 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.