4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo guddi baaris ah u magacaabay heshiiiskii shidaalka
 

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed ayaa guddi xeer ilaaliyayaal ah u magacaabay, si baaris loogu sameeyo, tallaabada ku habboona looga qaato heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

“Waxaan amray, Xeer-ilaaliyayaalna u magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyada laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Xeer ilaaliyaha ayaa go’aankaan gaaray, isagoo ka ambaqaadaya baaritaan horudhac ah oo xafiiska hantidhowrka guud ee Soomaaliya, uu ku sameeyay heshiiska shidaalka ee lala galay shirkadda Coastline.

Hanti dhowrka guud ayaa Wasaaradda arrimaha dibadda u gudbiyay qoraal ku saabsan in la hubiyo haddii ay jiraan falal musuq maasuq oo saameyn ku leh heshiiska uu wasiirka batroolku u saxiixay shirkadda Coastline exploration Ltd.

Hanti dhowrka guud ayaa ku baaqay in shaqo joojin lagu sameeyo cid kaste oo ku lug lahayd heshiiskaan, laakiin weli tallaabadaas dowladdu ma qaadin.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online