4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu ambo baxay Jamhuuriyada Jabuuti

Axad, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa saaka safar ugu ambo baxay Jamhuuriyada Jabuuti.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland , safarka madaxweyne Biixi iyo waftigiisa, ayaa qaadan doono muddo maalmo ah oo aan la cayimid, oo ay joogi doonaan Jamhuuriyada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaya, saddex wasiir oo kala ah, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Xasan Saajin.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili woxogaa kala shaki siyaasadeed oo sababay in xabsiga la dhigo saraakiil ciidan uu ka jiro dalka Jabuuti.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]