9/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo Maanta dooranaya kuraastii ugu dambeysay
 

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Sadaxda kursi ee Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Muqdisho ayaa ah kuwii uhu dambeeyay 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi, waxaana horay Muqdisho loogu doortay 43 kursi, taasoo ka dhigan in doorashada kuraasta gobolada Waqooyi Maanta lasoo gabagabeynayo, islamarkaana ay fuliyeen guddiga doorashada gobolada Waqooyi heshiiskii ahaa in doorashada lagu soo dhameystiro 25-ka Febaraayo 2022.

Guddiga doorashada gobolada Waqooyi waxa uu diiwaanka ku galay in uu qabtay doorashada Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, iyadoo ay dhacday doorashadaas 1-dii November 2021, waxaana markale diiwaanka u galay iney kusoo gabagabeeyeen doorashada kuraasta Golaha Shacabka waqtigii loogu talo galay, islamarkaana ay noqdeen maamulkii ugu horeeyay ee dhameystira doorashada.

Kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi oo ka kooban 46 kursi ayaa dhamaantood lagu doortay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
2/21/2022 10:16 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geelle Yuusuf oo goordhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney hakiyeen doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

2/21/2022 9:29 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga.

2/21/2022 7:08 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso.

2/21/2022 6:13 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Kolonyo ciiddan oo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weeraray Qarax miino, iyagoo sii galayay magaalada Boosaaso.

2/21/2022 4:46 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Xukuumada Taiwan, ayaa Somaliland ku wareejisay gargaar lacageed oo dhan $500,000 oo ay kaga qayb qaadanayso gargaarka dadka abaaruhu saameeyeen ee reer Somaliland.

2/21/2022 4:42 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed ayaa guddi xeer ilaaliyayaal ah u magacaabay, si baaris loogu sameeyo, tallaabada ku habboona looga qaato heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

2/21/2022 4:17 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay ee doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi ee golaha Shacabka, ayaa maanta doorashadooda lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

2/21/2022 3:07 AM EST
Axad, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa saaka safar ugu ambo baxay Jamhuuriyada Jabuuti.

2/21/2022 12:41 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa ka horyimid natiijada doorashadii kursiga HOP 086, kaasoo shalay doorashadiisa oo ka dhacday Baledweyne uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

2/21/2022 12:35 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay heshiiskii shidaal baarista ah ee uu saxiixay wasiir kamid ah dowladda federalka, inuu yahay heshiis halis ku ah qaranimada Soomaaliya.

2/21/2022 12:30 AM EST
Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.