4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Guddiga Doorashada heer Fedaraal oo ka horyimid Natiijada Doorashada Fahad Yaasiin
 

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa ka horyimid natiijada doorashadii kursiga HOP 086, kaasoo shalay doorashadiisa oo ka dhacday Baledweyne uu kusoo baxay Fahad Yaasiin  Xaaji Daahir.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada ayay ku shaaiyeen natiijada hordhaca aheyd ee kuraastii shalay Baledweyne lagu doortay, iyagoona ka  reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP 086, oo ahaa kursiga lixaad ee kuraastii Baledweyne lagu doortay.

"Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada 5-tii kursi ee maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee deegaan Doorashada 2aad ee Hirshabelle, waxaa ku soo baxay: F.G: Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go'aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada heer Fedaraal.

Hakinta natiijada kursiga HOP 086, ayaa imaanaya xili maamulka Hirshabelle ay horey ugu gacan sayreen qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federal oo ahaa mid lagu hakiyey doorashada kursiga HOP 086, kadibna ay doorashadiisa shalay qabteen.

Qoraalkaan kasoo baxay guddiga doorashada heer Fedaraal ayaa imaanaya xili dhawaan qoraal ay si wadajir ah ugu saxiixnayeen guddoomiyaha guddiga, ku xigeenkiisa iyo xoghaya ay ku sheegeen in ciwaanadii guddiga ay ka maqan yihiin gacantooda, iyadoo markaas kadibna aysan sheegin iney dib ula soo wareegeen ciwaanadii guddiga, mana la ogo ilaa hada cida sida rasmiga ah u maamuleysa boggagii guddiga.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online