4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Madaxweyne Deni: Heshiiska uu wasiirka batroolka uu saxiixayo waa heshiis halis ku ah qarinimada Soomaaliya
 

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay heshiiskii shidaal baarista ah ee uu saxiixay wasiir kamid ah dowladda federalka, inuu yahay heshiis halis ku ah qaranimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay arrintaan horey uga digeen, isagoo sheegay in ay mar walba ku celcelinayeen in talada dalka aysan noqon mid lala caro islamarkaana ay koox yar masiirka ummadda sida ay ka rabto ka yeesha, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay masuuliyad iska saarayso sidii loo sixi lahaa waxyaabaha qaldan, si buu yiri talada dib loogusoo celiyo shacabka.

"Dowladda aan ku tashanayno waa dowladda aad aragtaan ee wasiirkeedii uu heshiis saxiixayo, madaxweynihiina uu beeninayo, waxaan rabnaa inaan qeyb ka noqono sidii isbedel degdeg ah loogu sameyn lahaa dowladdaas," ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu safar ugu ahaa magaalada Boosaaso halkaas oo uu u tagayo doorashada aqalka hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online