4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo Baledweyne taala
 

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada ayay ku sheegeen in diiwaan gelinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso 25-ka bishaan, islamarkaana doorashada 7-da kursi la qabanaayo 26-ka bishaan oo ku beegan maalinta Sabtiga.

Jadwalkaan qabashada doorashada 7-da kursi ayaa u muuqda mid dib uga dhacay waqtugii loogu talo galay in lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo aheyd 25-ka bishan Febraayo, waxaana sidoo kale xusid mudan iney sii dhiman yihiin kuraas kale oo Baledweyne iyo Jowhar taala oo wali guddiga aysan shaacin waqtiga la qaban doono taasoo ka dhigan in heshiiska Madaxda wadatashiga qaran inuusan dhaqan galin.

Kuraasta la shaaciyay ayaa sumadoodu kala HOP 003, waxaana ku fadhiyo Maxamuud Sh.C/man Faarax, HOP 006 waxaa ku fadhiyo Maxamed Cabdulahi Maxamed, HOP 022 waxaa ku fadhiyo Cusmaan Maxamed Cabdi, HOP 031 waxa isna ku fadhiya Yusuf Xuseen Axmed, HOP 032, waxaa ku wasiirka Ganacsiga Khaliif Cabdi Cumar, HOP 068 waxaa ku fadhosa Fadumo Faarax Ibraahim HOP 252 waxaa ku fadhiya Cabdicasiis Saalax Carmaan.

Hoos ka akhriso Jadwalka qabashada doorashada 7-da kursi oo Dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online