4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Puntland oo xukun dil ah ku riday raggii ka dambeeyay dilka weriye Jamaal Faarax Aadan

Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil toogasho ah iyo xabsi dheer ku riday afar dhallinyaro oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dilkii weriye Jamaal Faarax Aadan.

Weriye Jamaal Faarax Aadan ayaa Gaalkacyo lagu dilay kowdii bishii march ee sannadkii hore, xilli habeenimo ah, waxaana dilkiisa sheegtay ururka Alshabaab oo ku tilmaamay inuu ahaa sirdoon ciiddanka Puntland katirsan oo ay raadinayeen.

Ciiddanka amniga Puntland ayaa maalin kadib dilka weriyaha, ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan labo dhallinyaro ah, kuwaas oo markii dambe qirtay in ay iyagu ka dambeeyeen dilka ayna katirsan yihiin ururka Alshabaab.

Baaris dheer oo qaadatay sanad ku dhawaad, ayay maxkamaddu xukun dil ah ku riday Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi  iyo Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor).

Dhinaca kale, maxmamaddu waxay 25 sano oo xabsi ah ku riday Xasan Jaamac Maxamed (Xasan Nuur), Halka sidoo kale ay 15 sano oo xabsi ku riday Maxamed Cali Axmed (Qaroon).

Raggaan xabsiyada dhaadheer lagu xukumay waxay lug ku lahaayeen abaabulka iyo dilka weriyaha, sida maxkamaddu ay sheegtay.

Dhinaca kale, maxkamadda ciidamada Puntland ayaa siidaysay lix eedeysane oo kiiskaan u xirnaa, kuwaas oo lagu waayay in ay wax lug ah ku leeyihiin kiiskan iyo kiisaska kale oo Gaalkacyo ka dhacay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online