3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2022
Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin "Qowmu luud meel uu ku jiro iyo meel aan hadalkiisa kusoo qaaday ma jirto”
 

Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaadatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadashay arrimo la xariira hadal dhawaan ay jeedisay oo si weyn u looga falceliyay.

Guddomiye Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa ugu horeyn uga mahadcelisay Culimadda sida ay u soo ajiibeen ka qeybgalka kulankeeda, waxayna Bulshada iyo Cumimadda Soomaaliyeed u sheegtay in Khudbadii ay ka jeedisay daahfurka ololihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka iyo Carruurta ee sida weyn looga felciyay iyo mowduuca ay ka hadleysay uusan aheyn mid hal meel u wada socda.

“Aniga waxaan rabaa inan ka hadlo wax yar oo kooban arrintii maalin dhaweed oo ahaa shirkii Tacadiyaadka daah-furka ololaha 16ka maalmood oo u dhaqdhaqaaqayay tacadiyaadka ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta, kaasoo ahaa mid international ah (Caalami ah), hadal waxa uu ahaa badan oo laga wada hadlayay oo dumar badan kawada hadleen oo si aad u khaldan loo tarjumay oo loo wada wareejiyay, waxan rabaa in aan hortiina ka caddeeyo in uu ahaa shirkaas in aan idiin qoray oo la yiri qowmu luud ayay ka hadlayeen ama uu ku saabsanaa, qowmu luudkana meel uu ku jiro iyo meel aan hadalkiisa soo qaaday ma jirto” ayay tiri guddoomiye Sacdiya Yaasiin Samatar.

Gabagabadii Hadal heyn aad u badan ayaa ka dhalatay hadalkii maalmo ka hor ay jeedisay guddomiye Sacdiyo Yaasiin ee ahaa inay xoog ku ansixineyso sharciga jinsiga, haddii kalena ay isaga tagi doonto magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, taasoo si weyn uga falceliyeen shacabka Soomaaliyeed.












Click here
12/2/2022 12:28 PM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadkaan ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa maamulka Jaamacadda waxay go'aamiyeen iney Madaxweynaha ugu magac-daraan xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

12/2/2022 9:55 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si waafi ah uga hadlay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in guud ahaan tacaddiyo kala duwan ay ka dhaceen degaanka gaar ahaan xilligii xukuumaddii isaga ka horreysay ee Cabdi Maxamuud Cumar.

12/2/2022 9:24 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Duhurnimadii Maanta waxaa dabaq ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir iska soo tuurtay gabar dhalinyaro ah oo magaceeda lagu soo koobay Fartuun.

12/2/2022 4:47 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goofgaduud Buureey oo qiyaastii magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay u jirta ilaa 30 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi fariisimo adag ku lahaa iney isaga baxeen deegaankaasi.

12/2/2022 3:13 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin hubeysan oo dil u geysan rabay askari ka tirsan ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.

12/2/2022 2:47 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in deegaankaasi gacan ku heyntiisa ay la wareegeen dagalaamayaasha kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo culus oo shalay galinkii dambe halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.