3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2022
Ciidamada dowladda iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo isaga baxay deegaanka Goofgaduud buureey iyo Al-shabaab oo la wareegay
 

Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goofgaduud Buureey oo qiyaastii magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay u jirta ilaa 30 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi fariisimo adag ku lahaa iney isaga baxeen deegaankaasi.

Ma cada sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iney isaga baxaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ahaa deegaanada laga ilaaliyo amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wali wax faahfaahin ah kama aysan bixin Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya sababta keentay iney si nabad galyo ah uga baxaan fariisimahii ay ku lahayeen deegaanka Goofgaduud buureey ee gobolka Baay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan la helnay deegaanka Goofgaduud buureey ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan kooxda Shabaab ay gudaha u galeen deegaankaasi oo ay baneeyeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa mudooyinkii dambe.

Goofgaduud ayaa noqonaya deegaankii labaad oo ka baxa gacanta maamulka Koonfur Galbeed muddo 24 saac gudahood, iyadoo deegaanka deegaanka Daynuunay ay Shabaab horay ula wareegeen kadib dagaalo qaraar oo halkaasi kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinkaan ayaa imaanaya, iyadoo magaalada Baydhabo dhowrkii cishe ee lasoo dhaafay ay ka dhacayeen kulamo looga hadlayay qorshe ku aadan gulufka dagaal ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku wajahayaan kooxda Shabaab oo go’doomisay degmooyin ka tirsan gobolda Baay iyo Bakool.












Click here
12/2/2022 12:28 PM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadkaan ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa maamulka Jaamacadda waxay go'aamiyeen iney Madaxweynaha ugu magac-daraan xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

12/2/2022 9:55 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si waafi ah uga hadlay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in guud ahaan tacaddiyo kala duwan ay ka dhaceen degaanka gaar ahaan xilligii xukuumaddii isaga ka horreysay ee Cabdi Maxamuud Cumar.

12/2/2022 9:24 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Duhurnimadii Maanta waxaa dabaq ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir iska soo tuurtay gabar dhalinyaro ah oo magaceeda lagu soo koobay Fartuun.

12/2/2022 6:32 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaadatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadashay arrimo la xariira hadal dhawaan ay jeedisay oo si weyn u looga falceliyay.

12/2/2022 3:13 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin hubeysan oo dil u geysan rabay askari ka tirsan ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.

12/2/2022 2:47 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in deegaankaasi gacan ku heyntiisa ay la wareegeen dagalaamayaasha kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo culus oo shalay galinkii dambe halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.