4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2022
Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay iney gacanta ku dhigeen nin dili rabay Askari ka tirsan ciidanka dowladda
 

Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin hubeysan oo dil u geysan rabay askari ka tirsan ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ninkaan hubeysan ku qabteen degmada Wadajir, isagoo ku hubeysan bastoolad, islamarkaana xilliga la qabanayay uu doonayay inuu degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilo askari ka tirsan ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Degmada Wadajir ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysane Khawaarij Muxsin Cali Mustaf ina Hooyo Iisho Muqtaar Cali iyo bastooladiisa, oo maanta 09:50 barqanimo xili uu ku howlanaa inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Duudishe.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney kala shaqeeyaan arrimaha amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona si weyn u bogaadiyay dadkii ku dhiiraday iney kala shaqeeyaan ciidanka in gacanta lagu dhigo eedeysanaha la sheegay inuu dili rabay askariga ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka Xamar.