6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2022
Al-shabaab oo la wareegtay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay
 

Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in deegaankaasi gacan ku heyntiisa ay la wareegeen dagalaamayaasha kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo culus oo shalay galinkii dambe halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Weerarka ka dhacay Deynuunaay galinkii dambe ee Shalay ayaa bilaawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku lahayeen deegaankaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xooganaa oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeshee aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Al-shabaab ayaa mudo dhowr jeer oo hore weeraro culus ku qaaday deegaanka Deynuunaay oo ka mid deegaanada hoostaga degmada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaas oo ugu dambeyn gacantooda soo gashay, kadib markii ciidamadii dowladda ee fariisinka ku laha deegaankaas ay isaga baxeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhacay Deynuunaay iyo la wareegitaanka kooxda Shabaab oo lasoo warinaayo iney ku sugan yihiin deegaankaasi.












Click here
12/2/2022 12:28 PM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadkaan ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa maamulka Jaamacadda waxay go'aamiyeen iney Madaxweynaha ugu magac-daraan xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

12/2/2022 9:55 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si waafi ah uga hadlay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in guud ahaan tacaddiyo kala duwan ay ka dhaceen degaanka gaar ahaan xilligii xukuumaddii isaga ka horreysay ee Cabdi Maxamuud Cumar.

12/2/2022 9:24 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Duhurnimadii Maanta waxaa dabaq ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir iska soo tuurtay gabar dhalinyaro ah oo magaceeda lagu soo koobay Fartuun.

12/2/2022 6:32 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa Maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaadatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadashay arrimo la xariira hadal dhawaan ay jeedisay oo si weyn u looga falceliyay.

12/2/2022 4:47 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goofgaduud Buureey oo qiyaastii magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay u jirta ilaa 30 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi fariisimo adag ku lahaa iney isaga baxeen deegaankaasi.

12/2/2022 3:13 AM EST
Jimco, December, 2, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin hubeysan oo dil u geysan rabay askari ka tirsan ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.