4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2022
Wasaaradaha Isgaarsiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo ka heshiiyay khilaafkii soo kala dhexgalay

Khamiis, December, 1, 2022 (HOL) - Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa ka heshiiyay khilaaf dhowaan soo kala dhex galay, kaasoo sababay in wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda heer federal.

Shir ay Muqdisho ku yeesheen wasaaradaha labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in sharciyada iyo siyaasadaha ay wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada (WI&T) gacanta ku hayso laga talageliyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federalka.

Waxaa lagu heshiiyay in wasaaradda isgaarsiinta Soomaaliya aysan  isku kooban mashaariicda isgaarsiinta, gaar ahaan waxaa lagu heshiiyay sidii Mashruuca isdhexgalka isgaarsiinta casriga ah ee gobolka geeska Afrika (EA RDIP) dalka oo dhan looga wada faa’iideyn lahaa.

Wasaaradaha dowlad goboleedyadu waxay wasaaradda isgaarsiinta dowladda ee dhexe ka dalbadeen in tabashada qodobka 10aad ee xeerka isgaarsiinta ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro sifo waafaqsan shuruucda dalka.