4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in Maraykanku duqeymo ka dhan ah Alshabaab ka geystay gobolka Hiiraan

Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in diyaaradaha Maraykanku ay duqayn ka dhan ah Alshabaab ka geysteen gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay Shabaabku dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen.

Dowladda federalka Soomaaliya waxay sheegtay in Mareykanku uu qaaday weerar uu ku taageerayo ciidamada xoogga dalka ee howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Alshabaab ayaa dhawaan weerar ismidaamin ah ka geysatay gobolka Hiiraan, waxay ku dishay askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Gorgor, kuwaas oo saldhigyo cusub ka sameystay gobolka Hiiraan, si ay uga hortagaan abaabul ciidan uu Shabaabku kawado deegaannada uu kaga sugan yahay Hiiraan.

Sida lagu sheegay war lagu daabacay boggaga internetka ee warbaahinta dowladda, ma jiraan dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkan, waxayna dowladdu sheegtay in Maraykanku sii wadidoono taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Waa duqayntii labaad oo Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya, labo todobaad gudihiis. 19kii bishii July ayay ahayd markii Maraykanku duqayn ka geystay tuulada Lebikuus ee gobolka Jubbada hoose.