4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Museveni: Soomaaliya kuma tiirsanaan karto taageerada dibadda si ay u damaanad qaaddo amnigeeda
 

Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) -Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Shabaab, balse uusan dalkiisu lahayn awood dhaqaale oo uu ku bixiyo mushaaraadka ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa sidii Al Shabaab looga adkaan lahaa, haddii ay tahay su’aashu hub, waan iibsan, Dareys waan iibsan karnaa oo xitaa cunno ayaan qeybin karnaa, laakiin ma maarayn karno mushaarka,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Museveni waxa uu sheegay dhaqanka ah in saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah, sida Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga - ay maalgeliyaan hubeynta iyo tababaridda askarta Soomaaliya, aysan ahaandoonin mid waaraysa. Waxa uu intaa ku daray in nabadgelyadu ay lama huraan u tahay jiritaanka qaran Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kampala ku tagay booqasho laba maalmood ah.