4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Mid ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Galabta lagu dhawaaqay oo is casilay
 

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Iyadoo galinkii dambe ee Maanta lagu dhawaaqay liiska Golaha wasiiradda Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa durba soo baxay inuu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Qorsheynta Maxamed Cabdiqaadir Cali.

Maxamed Cabdiqaadir Cali ayaa ka mid ahaa xubnaha Golaha wasiiradda ee Galabta uu ku dhawaaqay Raysal wasaare Xamse, isagoona loo magacaabay xilka Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Xukuumadda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho saacado kooban kadib magacaabistiisa ayuu Maxamed Cabdiqaadir iscasilaadiisa ku sheegay in ay ku timid la tashiyo uu la sameeyay Beesha uu matalo, taasoo uu ku sheegay iney keentay inuu xilkaasi iska casilo.

Masuulkaan ayaa noqonaya xubintii ugu horeysay oo ka tirsan Golaha Wasiiradda cusub, islamarkaana iska casila xilkii loo magacaabay, inta aan la horgeyn Xildhibaanada Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan wasiiradda uu soo dhisay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]