4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Saraakiil sare oo katirsan ciidamada difaaca Ethiopia iyo kuwa deegaanka Soomaalida oo gaaray magaalada Beledweyne
 

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Tesfaye Ayalew oo ah madaxa qaybta daabulidda ciidamada difaaca Itoobiya ahna isku duwaha taliska nabad sugidda ku meel gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sarreeye Gaas Tesfaye ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya, taliyaha ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Jeneraal Maxamed Axmed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada difaaca iyo kuwa gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dowlad deegaanka.

Ujeedka socdaalka saraakiishan. ayaa ah sidii loo joojin lahaa duullaanka Al-Shabaab ee dalalka dariska la ah Soomaaliya. Sidoo kale, Wafdigan ayaa la filayaa in ay la tashi la sameeyaan Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo hoggaanka amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Major General Tesfaye iyo General Mohamed Ahmed ayaa wadahadalo la yeeshay xubno ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee (ATMIS).

Wafdiga ayaa ka dhawaajiyay in howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada difaaca Itoobiya iyo ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya, ay ka soo bixi doonaan natiijooyin lagu burburinayo ururka Al-Shabaab.