4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo saacadaha soo socda la shaacinayo
 

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliyaa, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda shaaciyo liiska golihiisa wasiiradda, kadib muddo ka badan hal bil oo uu socday wadatashiyo ku aadan dhismaha xukuumada.

Golaha wasiiradda ee la magacaabayo ayaa lagu wadaa inay kasoo muuqdaan shir jaraa’id oo ay raysal wasaaraha iyo madaxweynuhu ku qabandoonaan xarunta madaxtooyada, halkaas oo goor dhow looga yeerayo bahda saxaafadda.

Waxaa aad loo hadal hayaa in golaha wasiiradda ay kasoo muuqaanoonaan shakhsiyaad horey wasiirro uga soo noqday dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, halka sidoo kale ay jiridoonaan wajiyo cusub.

Siyaasiyiinta la hadal hayo, waxaa kamid ah:

Axmed Macalin Fiqi: Arrimaha gudaha

Faarax Sheikh Cabdulqaadir: Waxbarashada

Maxamed Axmed  Cali (Doodishe): wasiirka amniga

C/rasaq Maxamed Cumar: batroolka iyo macdanta.

Mukhtar Robow Abuu Mansuur-  Diinta iyo Aqwaafta.

Da’ud Aweys – Jareerweyne  (Warfaafinta

Abshir Cumar Haruuse: Arrimaha dibadda.

Cilmi Maxamed Nuur: Maaliyadda.