4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Al shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka caawa lagu qaaday hotel Hayaat


Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Ururka Alshabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar xooggan oo caawa fiidkii lagu qaaday hotel Hayaat oo kuyaalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan dabley katirsan Alshabaab ay weli ka dagaalamayaan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah uu ujeedkiisu yahay in lagu beegsado masuuliyiin iyo saraakiil ciiddan oo katirsan Dowladda oo ku caweeya hotelkaas.

Alshabaab waxay sheegeen in dagaalamayaasheeda ay haatan toogasho ka dhex wadaan gudaha hotelka, iyagoo ku beegsanaya masuuliyiinta ee hoteelka ku go’doonsan. Waxay kaloo Alshabaab sheegeen inay bannaanka hotelka weerar ismiidaamin ah kula beegsadeen ciidamadii gurmad ahaa ee hotelka gaaray.

Hotelka la wareeraray ee Hayaat oo kuyaalla agagaarka Isgoyska Mashquulka badan ee KM4 ayaa waxa ku yaal hotelo iyo xarumo ganacsiga.

Maadaama xilli habeen ay tahay, weerarkuna uu weli socdo, lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan.