4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
War saxaafadeed kasoo baxay dowlad degaanka Soomaalida oo ku aadan xaaladda dadkii kasoo barakacey galbeedka Siti
 

Khamiis, Agoosto, 18, 2022 (HOL) - Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa maanta markii u horreysay waxay ka hadashay xaaladda shacabkii ku barakacay weeraradii ay Canfartu kusoo qaadeen galbeedka gobolka Siti.

War saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay inay jiraan  tobanaan kun oo qoys oo Soomaali ah, oo ku soo barakacey weeraradii Canfartu kusoo qaadeen galbeedka Siti, kuwaas oo wakhti xaadirkan ku sugan xaalad daran.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in shacabkii soo barakacay ee soo gaarey tuulooyinka Casbuli iyo Badhiweyn ee degmada Erar, gargaarkii ay u baahnaayeen lagu gaarsiiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca, maadaama Jidadkii ay xireen roobab waawayn oo aaggaas ka da'ay.

War saxaafadeedka laguma xusin wax la xiriira duullaankii ay Canfartu kusoo qaaday galbeedka gobolka Siti, iyo sida ay dowladdu u aragto magaalooyinkii ay Canfartu la wareegtay.

War saxaafadeedkan ayaa lagu beeniyay warar baraha bulshada la isla dhex marayay oo sheegaya in Madaxweynuhu ka badbaadey isku day dil, taas oo waxba kama jiraan lagu tilmaamay War saxaafadeedkan.

Nuxurka War saxaafadeedka ayaa ahaa in gurmad loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartey duullaankii Canfartu kusoo qaadeen galbeedka gobolka Siti, halka aan War saxaafadeedka lagu soo qaadin waxa dowladda uga yaalla galbeedka gobolka Siti.

War saxaafadeedkan ayaa kusoo hagaagaya xilli Madaxweyne Mustafe cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin gobolka Siti, halkaas oo ay soo kormeerayaan xaaladda dadkii kasoo  barakacay galbeedka gobolka Siti, iyadoo maantana ay xukuumaddu sheegtay in gargaar hor leh oo lagu qaaday diyaaradaha qumaatiga u kaca lagu gaarsiiyay shacabkaas dhibaatadu soo gaartay, maadaama jidadkii ay xireen roobab waawayn oo maalmahan halkaa ka da'ay.