4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
Madaxweyne Biixi: Sharciga hadii la garan waayo sheekhii tafsiiri lahaa ha loo doono
 

Khamiis, Ogosto, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed iyadoo sharciga loo eegayo, waxa kale oo uu sheegay in aanu isagu lahayn awooda go'aaminta wakhtiga doorashada.

Madaxweynaha oo muuqbaahiyaha Horn Cable siiyay waraysi socod ah, xili uu dhex lugaynayay magaalada Hargaysa, ayaa ka jawaabay su'aalo laga waydiiyay doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed, waxaana kamid ahaa su'aalaha la waydiiyay hadii uu diyaar u yahay, in uu soo afjaro khilaafka siyaasadeed, wuxuuna kaga jawaabay haa iyada oo sharciga la raacayo.

"Haa, marwalba waa furanyahay xagayga, khilaaf ma doonayo, sharciga uun aan raacno, sharciga hadii la garan waayana sheekhii tafsiiri lahaa ha loo doonto, dee maxaaba laysku khilaafi, saw iyagu malaha dalka hala hagaajiyo, ana hala hagaajiyaan leeyahay" ayuu ku jawaabay madaxweyne Biixi.

Su'aal kale oo u dhignayd "Madaxweyne marar badan ayaad sheegtay in aad doorashada wakhtigeeda ku qabanayso ee maku qabanaysa?" Ayuu kaga jawaabay in aanu isagu lahayn awooda go'aaminta xiliga doorashada la qabanayo, lakiin ay tahay masuuliyada guddida doorashooyinka.

"Imika ayaan leeyahay qaranku hadii uu qaban karayo hala qabto, waa distoori, hadii la qaban waayana qaranka ayaa ka talinaya, aniga awooda wakhtiga qabashada ma lihi, hay'adda la yidhaahdo doorashooyinka ayaa goysa" ayuu ku jawaabay madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa geeska kale sheegay in uu u ducaynayo shacabka Somaliland, isla markaana uu raali kayahay qofka maamulkiisa dhaliilaya, lakiin loo baahanyahay in dadku ay dulqaad muujiyaan oo markay dhaliil arkaanba anay cadhoonin.

"Dhamaantood waan u mahadcelinayaa, waynu u ducaynaynaa, waa dad wanaagsan, ka aniga ra'yigayga diidanina wuu hagaagsanyahay, hadan la is dhaliilina dhismi mayno, dulqaad uun ha lagu daro oo qofku markuu wax yar dhaliilo yuu cadhoonine aan dalka wada dhisno" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Khilaaf ku sal leh ta soo horaynaya doorashada madaxtooyada iyo doorashada urrurada siyaasada, oo u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, ayaa joojiyay dhamaan qaban qaabooyinkii loogu gogol xaadhi lahaa doorashooyinka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]