4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaarey gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida



Arbaco, Agoosto, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ku jiro ku xigeenkiisa Ibraahim Cismaan ayaa maanta gaarey magaalooyin kamid ah gobolka Siti ee degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku horreeyay magaalada Biki, iyagoo booqday Isbitaalka ay ku jiraan dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartey duullaankii ay Canfartu dhawaan kusoo qaaday magaalooyinka Cundhufa iyo Danlahelay ee degaanka Soomaalida.

Dhalinyar gadoodsan oo ku sugnaa magaalada Biki ayaa wafdiga Madaxweyne Mustafe cagjar ku mudaaharaaday maanta, iyagoo dhalinyartani ay ka gadoodsanaayeen sida ay xukuumaddu u wajahday arrinta galbeedka Siti, iyo ka aamusnaanta ay xukuumadda Madaxwene Mustafe cagjar uga aamusan tahay Colaadda ka jirta galbeedka gobolka Siti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin gobolka Siti booqan doona magaalooyin dhawr ah, iyagoo magaalada Biki kaddib booqan doona magaalada Afdam.

Dhinaca kale Ugaas Mustafe oo ah hoggaanka dhaqanka ee gobolka Siti oo ay wehelinayaan Odayaal dhaqameedka gobolka Siti ayaa iyaguna maalmahan ku sugnaa galbeedka gobolka Siti, gaar ahaan magaalada Cusbuli halkaas oo ay gargaar ku gaarsiinayeen dadkii kusoo barakacay duullaanka Canfarta.

Sidoo kale waxaa iyagana maalmihii lasoo dhaafay ku suganaa goobihii ay dadku kusoo barakaceen wafdi kale oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maarreynta Khataraha masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida Axmed yaasiin Sh Ibraahim oo iyaguna halkaas ka wada qaybinta gargaarka kala duwan ee loogu tala galay dadkan kasoo barakacay Colaadda galbeedka gobolka Siti.

Socdaalka Madaxweyne Mustafe cagjar ee gobolka Siti ayaa kusoo hagaagaya xilli muddo ay xukuumaddu ka aamusnayd xaaladihii u dambayeeyay ee ka jiray galbeedka Siti, halkaas oo shacab badan ay Canfartu kasoo barakicisay  magaalooyinkii ay degganaayeen ee  Cundhufo iyo Danlahelay.

Shacabka ku shaqan gobolka Siti ayaa ka biyo diidsan sida xukuumadda Madaxweyne Mustafe cagjar u wajahday xaaladda galbeedka gobolka Siti, oo dhawaan ay Canfartu kula wareegtay magaalooyinka Cundhufo, Caddaytu, Danlahelay iyo Garbaciise oo inbadan muran ka taagnaa, shacab badana ka barakaceen dhulkaas.