4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2022
William Ruto oo loo doortay madaxweynaha dalka Kenya
 

Isniin, Agoosto, 15, 2022 (HOL) - William Ruto ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee waddanka Kenya daqiiqado ka dib markii ay rabshado ka dhaceen goobta looga dhawaaqayay natiijada doorashada ee magaalada Nairobi.

Mr Ruto oo ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya, ayaa doorashadan kaga guulaystay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga kadib markii uu helay 50.49% codadkii la dhiibtay.

Waa markii ugu horeysay ee Mr Ruto oo 55 jir ah uu isu soo taago xilka madaxtinimada. Waxa uu soo ahaa madaxweyne ku xigeen muddo 10 sano ah, balse waxay isku dhaceen madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Mr Odinga ku taageeray inuu xilka kala wareego.

Dhinaca kale, afar ka mid ah todobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa diiday in ay taageeraan ku dhawaaqista doorashada, iyagoo sheegay in natiijada ay tahay mid aan muuqan.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa isna diiday inuu kasoo qeyb galo goobta looga dhawaaqayay natiijada doorashada, sida uu sheegay madaxa ololihiisa doorashada, Saitabao Ole Kanchory oo qabtay shir jaraa’id degdeg ah.

Taageerayaasha hoggaamiyaha mucaraadka Kenya ayaa billaabay rabshado ka dhan ah natiijada doorashada, iyagoo aaminsan inay dhacday codad kala shubasho.