4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2022
Nolosha dadkii ku barakacay dagaalada ka socda gobolka Hiiraan oo laga soo deyrinaayo
 

Isniin, Agoosto, 15, 2022 (HOL) - Waxaa aad looga so deyrinaya xaalada nololeed ee qoysaskii dhawaan ka barakacay deegaanadii Al-shabaab gubeen iyo kuwa isaga cararay colaada u dhaxeysa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo qeyb ka ah howlgalada ciidamada dowladda Soomaliya oo kaashanaya kuwa Macawiisleeyda ay ka wadaan gobolka Hiiraan iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ku wada sugan jiidaha hore ee goobaha dagaalka ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya uga baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ka barakacay dagaalada iyo kuwa tuulooyinkii dhawaan Shabaab ka gubeen.

Biloowgii bishaan ayay aheyd markii Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen dhamaan guryahii ku yaalay ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga, islamarkaana ay qarxiyeen ceel biyoodyadii ku yaalay tuulooyinkaasi oo ay ku noolaayen dadka iyo duunyada oo markii horeba la daalaan dhacayay xaalado abaareed oo ka jirtay deegaanadaaasi.

Majirto wax gurmad ah oo ilaa hadda la gaarsiiyay dadkii ka barakacay tuulooyinka laga gubay waxaana xaalad nololeed oo aad u daran ay ku haysata tuulooyin kale oo ay u barakaceen, halka qaarkoodna ay gaareen magaalada Maxaas.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Maanta gaaray degmada Buula burte ayaa dhankiisa ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadki dhawaan laga gubay guryahoodii oo ay dhibaatooyin nololeed haysato.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]