4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Nin dad shacab ah xabad ku furay magaalada Hargaysa
 

Sabti, Ogosto, 13, 2022 (HOL) - Nin aan haybtiisa la aqoonsan oo afka soo duubtay, ayaa 2 qof ku dhaawacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, kadib markii uu rasaas ku furay.

Sida goobjoogayaal u sheegeen Galaydh Media, nin kan oo afka soo duubtay ayaa xabad ku furay wiil 15 jir ah xaafada Maxamuud Haybe, isla inyar kadibna oday guri ilaalo ka ah, ayuu xabad ku furay, isagiina wuu baxsaday.

"Anfariir ayay nagu noqotay xabadii way dhacday inankii yaraa ee jaarkiina ee Sakariye ayay ku dhacday ayaa nalagu yidhi, wuxuban anuu la kulmay ilmihii oo xabadii ku taalo oo meeshii yaraydna dhiigii leedahay" gabadh goob-jooge ah ayaa sidaa Galaydh Media u sheegtay.

"Waxa la yidhi nin afka duuban oo cararaya ayuu ahaa, inamaduna waxay yidhaahdeen waanu soconaynay, anaga oo soconayna, ninku wuu naga danbeeyay xabadana wuu igu dhuftay" ayay hadalkeeda ku dartay.

Gabadh kale ayaa Galaydh Media  u sheegtay in odayga wayn ay xaaladiisu xuntayhay, isla markaana ay xabadu laba meelood kaga dhacday.

"Anigu ninkaa dhakhtarkii waynaa ayaan ugu tagay kiiyo la saarayo gaadhigan yar ee maydka lagu qaado, dabadeedna aad ayuu sakaraad u ahaa, dhabarkana mid baa kaga tiil, madaxa mid, waa lala cararayoo ogsajiin ayaa ku xidhnayd" ayay tidhi.

Wiilka 15 jirka ah  ayay xabadu kaga dhacday garabka dabadiisa, xaaladiisuna hada way fiicantahay, sida goob-joogayaashu sheegeen, isla markaana labada dhibane ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Wayn ee Hargaysa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]