4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Booliiska Somaliland oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay mudaharaadkii maanta
 

Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in mudaharaadka ay ku dhinteen 3 shicib ah, ayna ku dhaawacmeen 62 askari iyo 27 shicib ah, isla markaana xabsiga la dhigay 100 kamid ah mudaharaadayaasha.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay dhinteen 3 shicib ah, 2 qof oo Hargaysa ku dhintay iyo 1 qof oo Ceerigaabo ku geeriyooday.

"Nasiib daradu waxay tahay oo aan doonayaa in aan halkan ka sheego in ay jirto dhimasho 3 shicib ah, 2 Hargaysa ku dhintay iyo mid Ceerigaabo ku dhintay" ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in la dhaawacay 62 askari oo ka tirsan ciidanka booliiska kadib markii ay shacabku dagaal kala hortageen ciidanka nabagalyada, askartan ayaa ku kala dhaawacantay magaalooyinka Ceerigaabo, Hargaysa iyo Burco.

"Wixii horjoogsada ee yidhaa waar halkaa ka baydha oo halkaa banaanbixiina salmiga ah ku qabsada dagaal ayay kala hor imanayeen, sharcidarada balaadhani waxay keentay in ay dhaawacaan isu gayn ciidan booliis ah oo dhan 62, saddexda magaalo ee Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo" ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in Hargaysa 22 askari lagu dhaawacay, Burco-na 29, Ceerigaabo-na 11 askari, waxa kale oo uu sheegay in 21 shicib ah Hargaysa lagu dhaawacay, Burco-na 6 shicib ah, isla markaana anay,  wax shacab ahi ku dhaawacmin Ceerigaabo. Dadka la xidhay ayaa gaadhaya ilaa boqol qof.

Booliisku waxa uu mudaharaadayaasha ku eedeeyay in ay siteen, seefo, midiyo, budad, wadhaf iyo xataa qoryo, isla markaana ay ka gudbeen goobihii loo asteeyay in ay ku mudoharaadaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]