4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Raysal wasaaraha Soomaliya oo awaamiir kusoo rogay golihiisa wasiiradda
 

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa golihiisa wasiiradda ka mamnuucay inay shaqo joojin ku sameeyyaan masuuliyiinta xafiisyadooda, iyadoo aan loo marin dastuurka iyo sharciga shaqaalaha dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo ku dhaqanka sharuucda dalka, wuxuuna golihiisa wasiiradda faray inay la tashi kala sameeyaan tallaabo kaste oo arrintaan ku saabsan.

Go’aanka raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmay, iyadoo dalka ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana shaqaale badan oo dowladdii hore lasoo shaqeeyay ay cabsi ka qabaan inay shaqadooda ku weyn karaan isbeddelka siyaasadeed ee uu dalku galay.