4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2022
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Doorashooyinka ka bilaawday Ceelwaaq iyo Garbahaareey
 

Sabti, April, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka Maxamed Cawil Warsame ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashooyinka ka socda degmooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.

Waxuu tilmaamay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban in doorashooyinka haatan ka socda Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa baal marsan heshiisyadii 17-kii Sebtembar oo ay wada gareen madaxda golaha wadatashiga qaranka.

“Guddiga Xalinta Khilaafaadku waxa uu caddeynayaa Doorashooyinka ka billawday Ceelwaaq iyo Garbahaarey in ay khilaafsan yihiin habraacyadii Doorashooyinka iyo heshiisyadii siyaasadeed, Doorashada Ceelwaaq waxa ay kahor imaaneysaa heshiisyada lagu hagayo Doorashooyinka, halka tan Garbahaarey ay ka maqan yihiin Guddiga heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, waxa uu guddigu baaq u dirayaa madasha wadatashiga qaranka si loo saldhigo Doorashada loona sameeyo isutanaasul” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka ayaa kusoo beegmaya xili shalay degmada Ceelwaaq ay ku qabteen guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland doorashada 11-kursi oo ka mid ah kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, islamarkaana ay goob joog ka ahayeen madaxda sare ee guddiga doorashooyinka heer Fedaraal iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Shalay ayay aheyd markii wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo iney yihiin kuwa sharci darro ah.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online