4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Guddiyada Doorashada Gudoonka labada Aqal oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka guddoonadda labada Gole

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Iyadoo maalintii sadaxaad ay socoto howlaha diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka waxuu sheegay in maalinta berito ah ay soo gabagabeyn doonaan diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen ay isku diiwaan geliyeen 25 Musharax.

"Waxaa maalintii sadaxaad aan wadna holaha diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka iyo ku xigeenadiisa waxaana diiwan gelinay ilaa hada 25 Musharax oo u taagan u tartamida guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen beri galinka dambe ayaan soo gabagabeyn doona diiwaan gelinta, Sabtigana waa hadal jeedinta Musharaxiinta" ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.

Dhinaca kale guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa dhankooda Maanta shaaciyay iney soo gabagabeyeen diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney qabtaan xilka guddoonka Aqalka sare iyo labadiisa ku xigeen.

"Waxaan Galabta oo taariiqda tahay 21-ka bisha Apriil aan soo gabagabeynay fiiwaan gelinta Musharaxiinta guddoonka aqalka sare oo ay isku diiwaan galiyeen ilaa 12 Musharax oo u taagan xilka guddoonka iyo ku xigeenadiisa, Maalinta Sabtiga ahna waxaa la dhageysan doona khudbahada Musharaxiinta, 26-ka bishaan Apriil-na waxaa inoo qabsoomi doono sida qorshuhu yahay doorashada guddoonka Aqalka sare iyo labadiisa ku xigeen" ayuu yiri guddoomiye Aadan Cabdinaasir Maxamed.

Doorashada guddoonada Golaha Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 26,ka ilaa 27-ka bishaan Apriil sida ay horay u shaaciyeen guddiyada doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online