4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Wasiirka betroolka Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka betroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud, si wax looga weydiiyo heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray wasaaraddiisa iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Uyeeritaanka wasiirka Betroolka ayaa qeyb ka ah baaritaan uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ku sameynayay heshiiskii sharci darrada ahaa ee uu wasiirku la galay shirkad shisheeye oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Wasiirka ayaa la faray inuu maxkamadda horyimaado ugu dambayn taariikhdu markay tahay 25-ka bishaan oo ku beegan isniinta todobaadka soo socda.

Amarka kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyadoo Shirkadda Coastline Exploration Limited ay ku doodayso inuu sax ahaa heshiiska ay la gashay wasiirka betroolka Soomaaliya.

Madaxda fulinta shirkadda ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ay ku qanacsanaayeen heshiiska markii wasiirka lala galayay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online