4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Hogaanka xisbiga Waddani oo booqday dad laga soo qabtay goob dahab laga helay

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha Xisbiga Waddani Cahdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa booqday dad tiradooda lagu sheegay 60 qof, oo laga soo xidhay deegaan dahab laga helay oo kamid ah gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, waxaanu ku baaqay in lasii daayo.

Cirro oo ay booqashadiisa ay ku waheliyeen saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa hay'adaha sharciga ugu baaqay in lasii daayo dadka xidhan, isagoo sheegay in ilaa hada aan wax danbi ah lagu hayn.

"Waxaanu usoo jeedinaynaa hay'addaha sharci dajinta in muwaadiniinta madama oo ay 23 cisho oo xaqdaro ah xidhanyihiin, waxbana lagu caddaynin ilaa hada, xoriyadoodii losoo celiyo" ayuu yidhi Cirro.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo ka jawabay hadalka Cirro, ayaa sheegay in Cirro aanu booqan taliye ku xigeenkii booliiska gobolka Awdal oo ku dhaawacmay howlgalka dadka lagu xidh xidhayay, isla markaana uu wax aan sugnayn ka hadlayo.

"Cabdiraxmaan maanta wuxu ka hadlay dhacdo ka dhacday degmada Baki oo kamid ah gobolka Awdal...waxan ka xumahay in Cabdiraxmaan ka baaqsado in uu soo eego taliye ku xigeenkii gobolka Awdal oo dhawac xuni ku yaalo, isla markaana uu lasoo istaago waxan jirin" ayuu yidhi Buuni.

Xukuumada Somaliland ayaa horay ugu andacootay in dadka lasoo xidhay anay badan koodu ahayn dad muwadiin reer Somaliland ah.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online