4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Guddiyada doorashada guddoonka labada Aqal oo shahaadada Musharaxnimo Maanta siiyay Musharaxiin dhowr ah
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa Maanta guddoonsiiyay shahaadada Musharaxnimo ee guddonka Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo ka mid ah musharaxinta isku soo taagtay qabashada xilka guddoonka Aqalka hoose.

Waxaa sidoo kale shahaadada Msharaxnimo la guddoonsiiyay Maxamed Cumar Caananuug oo isna sheegay inuu doonayo inuu u tartamo xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa dhankooda Maanta Shahaadada Musharaxnimo guddoonsiiyay Senator Saalax Axmed Jaamac oo u tartamaya qabashada xilka guddoomiyaha Golaha  Aqalka Sare, iyadoo Senatar Cabdixakiin Macalin Axmed oo u tartamaya qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare isna uu qaatay shahaadada Murashaxnimo ee Golaha Aqalka Sare,

Waxaa sidoo kale shahaadada Musharaxnimo ee xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare qaatay musharaxiinta kala ah Senatar Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) iyo Senatar Ilyaas Baddel Gabboose kuwaas oo u taagan u tartamida xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare

Guddiyada labada aqal ayaana wali wada diiwaan gelinta iyo shahaado siinta xubnaha doonaya iney  tartamaan hogaanka labada aqal iyo ku xigeenadooda.

Is diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ku eg 22-ka bishaan oo ku beegan maalint Jimcaha, waxaana doorashada guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee Golaha Shacabka lagu wadaa in ay dhacdo 27-ka bishaan April 2022.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online