9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Somaliland: Qaar kamid ah wariyayaashii xidhnaa oo lasii daayay
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - 12 kamid ah wariyayaashii 12, April xabsiga loo taxabay ayaa lagu guulaystay in xabsiga laga siidaayo, kadib dadaal ay sameeyeen xildhibaano iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Wariyayaashan ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay xili ay tabin toosa ka samaynayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista ku jirta Jeelka Wayn ee Hargaysa, halka qaarkoodna laga soo qabtay xarumahooda warbaahineed.

Hadaba marka laga yimaado ilaa iyo saddex saxafi oo xoriyadooda dib u helay 3 dii cisho ee ugu horaysay, waxaa xabsiga kusii jiray 15 kale, kuwaasi oo maanta 12 kamid ah lagu guulaystay in lasii daayo.

Wariyayaasha wali xidhan ayaa waxa ay kala yihiin mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, wariye Cabdijabaar Maxamed Xuseen oo ka tirsan bahda HCTV iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif (Indho-Cadde), oo ka socda Gobonimo TV. Isla markaana wariyayaasha lasii daayay ayaa sheegay in xoriyadoodu anay dhamaystirnayn inta ay saddexdan wariye xidhanyihiin.

"Ilaa iyo intaa kale ay xoriyadooda helayaan, waxa weeyaan xoriyad wali maanu helin" waxa sidaa yidhi Axmed Maxamuud oo ka tirsan Saab TV. "Dad badan ayaa waxa laga yaaba in ay u qaataan in aanu ku faraxsanahay siidaynta yada, waxaanu u sheegayna runtii in anaan aad ugu faraxsanayn, sababtoo ah saddex kamid ah asxaabtayada ayaa xabsiga nagaga hadhay" sida waxa yidhi Xasan  Saleeban Haaruun (Xasan Galaydh) oo BBC katirsan.

Saxafiyiinta ayaa sidookale cabasho ka muujiyay sidii losoo qabtay "Anaga waxa nalaga xidhay Jeelka Wayn ee Hargaysa hortiisa, runtii waxba manaan duubayn, sawirna manaan qaadayn waxaanu doonaynay in aanu hubino xaalada dabeetana ka warbixino waxa ay tahay" sida waxa markale yidhi Xasan Galaydh.

Wariyayaashan ayaa xabsiga loo taxaabay xili ay ka warbixinayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista Jeelka Wayn ee Hargaysa, waxaana lagu eedeeyay in ay ka been sheegeen xaqiiqada dhacdada jeelka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online












Click here
4/19/2022 4:56 PM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha Xisbiga Waddani Cahdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa booqday dad tiradooda lagu sheegay 60 qof, oo laga soo xidhay deegaan dahab laga helay oo kamid ah gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, waxaanu ku baaqay in lasii daayo.

4/19/2022 10:20 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

4/19/2022 8:19 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi maaday oo waraysi siiyay BBCda ayaa ka hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, iyo waliba arrimo ay kamid yihiin aragtida ka urur ahaan ay ka qabaan kulanka wadatashiga Qaran ee Itoobiya dhawaan lagu qabanayo.

4/19/2022 8:14 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Marxuum Abwaan Beddel Jaamac ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii kooxo hubaysan ay xalay ku dileen degmada Kaxda, isagoo kasoo baxayay masjid uu ku tukaday salaadii maqrib.

4/19/2022 5:08 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan xildhibaanno katirsan labada aqal ee barlamaanka oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland, ayaa gaaray magaalada Muqdisho.

4/19/2022 4:04 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah hakinta kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

4/19/2022 2:45 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu wadaa iney si toos ah magaalada Muqdisho uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan guddoonada Aqalka sare iyo kan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraal Soomaaliya.

4/19/2022 1:59 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee hay'adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysanayso dib u dhiska mudada dhow iyo mudada dheer ee suuqa Waaheen ee Hargaysa oo 1-2 April uu dabaabiiyay.

4/19/2022 1:52 AM EST
Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo xalay salaadii maqrib kadib ay kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho.