4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si adag u cambaareeyay hoobiyayaal maanta lagu weeraray xarunta barlamaanka

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa cambaareeyay hoobiyayaal lagu weeraray xarunta barlamaanka Soomaaliya, halkaas oo uu fadhi wadajir ah uga socday xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen rooble, ayaa weerarkaan ku tilmaamay  fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ciidamada dowladda faray in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga arrimaha doorashooyinka.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado barlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana weerarkaan uu qalqal ku abuuray habsami u socodka howlaha uu barlamaanka maanta u fadhiyay

Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee dhismaha barlamaanka, waxaana ku dhaawacmay askari iyo qof katirsan shaqaalaha barlamaanka. Sidoo kale Ammaanka xarunta barlamaanka aad loo adkeeyay.

Xildhibaanno katirsan barlamaanka ayaa sheegay in hoobiyayaasha lagusoo beegay xilli barlamaanku u fadhiyay dood xasaasi ah oo ku aadan jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka labada aqal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online