4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Kulankii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo goordhaw Muqdisho ka furmay
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah u furmay kulankii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, waxaana kulanka shir guddoominaya guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka goordhaw u furmay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa ajendayaasha looga hadlaayo kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uu yahay, Dhaarinta Xildhibaano cusub oo aan weli la dhaarin, Qeybinta Dastuurka, Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS7-Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaliya iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya iyo Hadal jeedinta guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Axmed Liibaan.

Dhinaca waxaa iyana Maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo aanan shaacin ajandayaasha ay kaga hadli doonaan kulankooda la filayo inuu goordhaw furmo.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya waxaa horyaala shaqo adag oo ay ugu horeyso doorashada guddoonka Baarlamaanka labada aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya oo ah mida sida weyn Soomaalida iyo Caalamka kalaba isha ku aada hayaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online