4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Midowga Afrika oo la filayo in wakiil cusub usoo magacaabo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib eryidii Madeira
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu yeesho hogaamiye cusub maalmaha soo socda kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxii hore howlgalka.

Ilo Diplomaasi ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican in aysan “waaqici ahayn” in Francisco Madeira uu dib ugu soo laabto Soomaaliya ka dib markii raysal wasaaraha Soomaaliya uu ka qaatay go’aan dalka lagaga eryayo.

Xogaha ayaa sheegaya in Mr Madeira lagu cadaadiyay inuu xilka ka dago si aysan ugu ekaan in shaqada laga eryay.

Maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa wuxuu si cad u sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo" Mr Madeira.

Faki Mahamat ayaa taageeray go’aanka uu madaxweyne Farmaajo kaga horyimid eryida wakiilka Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Madeira ayaa ku dhawaad labo todobaad kahor ka dhoofay magaalada Muqdisho ka hor inta aan lagu dhawaaqin persona non-grata.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online