11/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Shirka caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ICAO oo ka furmay Montreal


Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ee Dawladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka (ICAO).

In ka badan 3000 oo ergo ah oo ka kala socda Dawladaha Xubnaha ka ah ICAO iyo wakiillo ururrada caalamiga ah ayaa ka qeybgalay furitaanka shirkan oo ah fadhiga 41-aad ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ICAO, kaa oo maanta ka furmay magaalada Montreal ee Dalka Canada , wuxuu soconaya  27 Sebt - 7 Oct, iyadoo looga hadlayo muddadaa qodobbo mudnaan u leh horumarinta,xiriirka, iskaashiga Hawada iyo saameynta COVID-19.

“ Soomaaliya oo ka mid ah dalalka codka ku leh ICAO , waxay shir weynahan   uga faa’iideysanaysaa sii amba-qaadida horumarrada la boggaadiyay ee Duulista Hawada iyo iskaashiga caalamiga ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Xil. Fardowsa Cusmaan, ayaa sidoo kale xaqiijisay in shir weynaha lagu soo bandhi doono guulaha iyo dadaallada horumarin ee Soomaaliya ay ka gaartay Duulista Hawada , waxaa kalo ay kulan doceedyo la yeelan doontaa, wasiirrada , madaxa ICAO iyo ururrada ka qeybgalaya shirka , si looga miro-dhaliyo gaarista himilada Soomaaliya oo ka mid noqota dalalka ugu horumarsan duulimaadyada iyo maamulka Hawada.












Click here
9/27/2022 11:11 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa goordhaw oo Maanta ah ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee golaha wasiiradda dalka Kenya.

9/27/2022 9:56 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xafiiska Ergayga gaarka ah ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dalka dib ugu soo celiyey ilaa sagaal dhalinyaro ah oo sanado badan gacanta ugu jiray Magafaha dalka Liibiya oo ay kasoo baxsadeen, kadibna tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay magaalada Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

9/27/2022 9:44 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Magaalada Gurra dhaamoole ee gobalka Liiban ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada, sida goob joogayaal ay u xaqiijiyaan Warbaahinta.

9/27/2022 6:57 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa guddoomiyaha guurtida ugu baaqay in uu xeerarka doorashooyinka ee ay soo celiyeen hor dhigo golaha guurtida.

9/27/2022 6:37 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada amni ee Shabaab looga xoraynayo dalka.

9/27/2022 4:09 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana maalmahii lasoo dhaafay ku sugna furumaha hore ee dagaalada ka socda gobolka Hiiraan ayaa beeniyay wararka sheegayay maalmahii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay hubeyneyso beel gaar ah.

9/27/2022 3:27 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF ay adeegsanayso gawaarida hay'adaha gargaarka, iyagoo u isticmaala howlgallada dagaalka waa sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Itoobiya.

9/27/2022 3:09 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalo Xalay ay ka fuliyeen deegaanka Buq aqable ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab in lagu dilay 11 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

9/27/2022 1:43 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaa oo uu maanta ka furmayo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.

9/27/2022 1:37 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo qaaday dalka Masar si halkaas loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad ayaa soo gaaray magaalada Qaahira.

9/27/2022 1:25 AM EST
Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaystay inay gudaha u galaan deegaanka Buqa Aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo farriisin weyn u ahayd ururka Alshabaab.