4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2022
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay wasiirka Gaashaandhiga dalka Kenya
 

Talaado, September, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa goordhaw oo Maanta ah ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee golaha wasiiradda dalka Kenya.

Xubnaha wasiiradda ee lagu dhawaaqay waxaa ka mid ah Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee saameynta weyn ku dhex leh dowlada Kenya, waxaana loo magacaabay wasiirka Gaashaandhiga dalka Kenya.

Aadan Barre Ducaale ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii sida aadka ahaa uga ag dhawaa madaxweynaha dalka kenya, islamarkaana la sameeyay olalahii xoogana ee William Ruto u fududeyay inuu noqdo madaxweynaha dalka Kenya, kadib doorasho adag uu la galay Raila Odinga.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay oo Soomaali ah ee qabta xilka Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Kenya, islamarkaana waa qofka kaliya ee Soomaali ah oo Maanta ka mid noqday xubnaha wasiiradda ee uu Maanta magacaabay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.