4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya oo duqeeyay gaari ay lahayd WFP oo raashin u waday gobolka Tigray
 

Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Wararka aan ka helayno gobolka Tigray ee dagaaladu ka socdaan ee dalka  ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Itoobiya ay duqeyn u gaysatay gaari waday gargaar raashin oo ku socday gobolka Tigray.

Afhayeen u hadlay kooxda TPLF oo la hadlay Warbaahinta gobolka Tigray ayaa duqeyntaas ku eedeeyay Ciidamada dowladda Itoobiya.

Dhankeeda Hay'adda cunnada Adduunka WFP ayaa xaqiijisay in duqeyn loogaystay gaari waday gargaar raashin oo ay hay'addu lahayd kuna socday gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaan wali ka hadlin eedeyntan, lagu eedeynayo in diyaaradaheedu duqeyn u gaysteen gaariga ay lahayd WFP ee raashinka u waday gobolka Tigray.

Duqeynta ay fulinayaan diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ayaa maalmihii u dambeysay ka socotay gudaha gobolka Tigray, iyadoo duqeyntana ay dowladdu ku bartil maameedsanayso goobaha ay TPLF ku sugan tahay, inkastoo inbadan lagu eedeeyo dowladda in duqeymahaasi ay ku dhacaan goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah.