4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
Dowladda Soomaaliya oo maanta gargaarkii ugu horreeyay u dirtay deegaannada laga xorreeyay Alshabaab ee gobolka Hiiraan


Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa gargaarkii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay kooxda Al shabaab.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay amray in gargaar deg deg ah lala gaaro deegaanada laga xoreeyay Alshabaab, kadib markii uu qadka taleefoonka kula hadlay masuuliyiinta halkaas ku sugan.

Hay'adda maareynta Musiibooyinka ayaa iyadoo fulinaysa amarka raysal wasaaraha waxay gargaar raashin ah u dirtay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah oo ay dowladdu u kiraysay.

Deegaannada laga xoreeyay Alshabab ayaa lagasoo sheegayaa inay ka jirto dhibaatooyin bini’aadinimo oo aad u darran, iyadoo dadku isugu darsantay colaad iyo abaar.

Saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaya howlgallada ayaa sheegaya in deegaannada laga saaray Alshabaab ay ugu tageen dad aad ugu dhibaataysnaa xukunka Alshabaab.