4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 26, 2022
William Ruto: Joogitaakeenna milatari ee Soomaaliya wuxuu noogu fadhiyaa qiimo aad u weyn
 

Isniin, September, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay isaga bixi doonaan Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalkooda.

Ruto oo u waramayay France24 isagoo ku sugan shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York, ayuu sheegay in Kenya qiimo weyn ay ugu fadhido joogitaankooda milatari ee Soomaaliya, oo uu sheegay inay weli ka jiraan weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab.

"Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka ay dhammeeyaan shaqada ay u hayaan Soomaaliya," ayuu yidhi William Ruto.

Wuxuu sheegay in amni darrada Soomaaliya ay saameyn ku yeelato Kenya, sidaas darteedna ay ciidamada Kenya (KDF) ku sii sugnaan doonaan dhulka ilaa iyo inta laga dhameynayo howlgalkooda.

"Dadka Kenya waxay rabaan inaan kasoo baxno Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay qadarinayaan in joogitaankayaga Soomaaliya aysan ahayn kaliya mid dan u ah Somalia, balse ay aad uga badan tahay danta Kenya," ayuu yidhi madaxweynaha Kenya.

Ruto ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee Kenya uu yahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xasilinta Soomaaliya, isagoo xusay in danta gobolka ay ku jirto in maamulka nadaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu guuleysto.

Hadalka Ruto ayaa ku soo aaday xilli uu socdo qorshuhu yahay in ciidamada ATMIS ay Soomaaliya ka baxaan sanadka 2024-ka, isla markaana dhammaan masuuliyadda ay hayaan lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.