11/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax lagu dilay Taliye ciidan oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino oo Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Halgan iyo Garasyaani uu ku geeriyooday Taliyahii saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan  guutada 5-aad qeybta 27-aad ee fadhigoodu yahay gobolka Hiiraan Kornel Barre Ceyrow.

Qaraxa miino ayaa la sheegay inuu ahaa mid lala beegsaday gaari Tikniko ah oo ay saarnayeen Taliyaha dhintay iyo askar kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo la sheegay iney kusii jeedeen degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana waxyeelo kale oo dhaawac ah ay gaartay askartii gaariga saarneed.

Sarkaalka qaraxa miino maanta ku dhintay ayaa ka mid ahaa saraakiisha hoggaamineysay howgaladii dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qabsadeen deegaan Booco ee gobolka Hiiraan.

Tan iyo markii Al-shabaab lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco waxaa qaraxyo miino siyaabo kala duwan ugu dhintay nawaaxiga deegaankaasi ilaa afar ruux oo ay la kacday miinoyin ku aasna qaar ka mid ah wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa deegaankaasi.

Qaraxyo miino oo aad u fara badan ayaa la sheegay iney ku aasan yihiin wadooyinka u dhaxeeya Baledweyne, Maxaas iyo Buulaburte, waxaana qaar ka mid ah qaraxyadaasi ku geeriyooday dad shacab ah oo kor u dhaafaya 15 ruux, kuwaas oo meelo kala duwan ku haleeshay miinooyinka ka dhulka ku aasan oo la tilmaamay in Al-shabaab dhulka ku aaseen.












Click here
9/25/2022 4:40 PM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inay kooxda Al shabaab ka qabsadeen wax ka badan 10 deegan oo ay maamulayeen 10 kii sano ee la so dhaafay.

9/25/2022 11:31 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay shaacisay in la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay kooxda Alshabaab.

9/25/2022 8:42 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu kafiirsado hadaladiisa iyo ficiladiisa ku aadan Somaliland.

9/25/2022 7:19 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa sheegay in anay ogolayn in madaxweynaha Somaliland loo sameeyo muddo kordhin aan iyaga laga talo galin.

9/25/2022 3:59 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay saakay Al-shabaab kala wareegeen degmada Moqokori oo ka mid ah meelaha Shabaab ku awood badnayeen.

9/25/2022 3:37 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka inay Al-shabaab kala wareegeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Baay.

9/25/2022 3:05 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xerada Nacnaca oo ku taala degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2022 2:23 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan haweeney tacaddi ugeysatay gabadh yar, kadib markii muuqaal laga duubay lagu faafiyay baraha bulshada.

9/25/2022 1:53 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - La-taliyaha amniga qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan qorshaha ugu jirin inay hubayso ciidamada Macaawisleyda ee qeybta weyn ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoraynayo Alshabaab.