4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo goordhaw Al-shabaab kala wareegay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan
 

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay saakay Al-shabaab kala wareegeen degmada Moqokori oo ka mid ah meelaha Shabaab ku awood badnayeen.

Taliyaha Ururka 41-aad guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay isaga baxeen degmada ka hor inta aysan galin ciidamada is kaashayana gudaha magaalada.

Taliye Cabdi Muumin Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada is garabsanaya ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa mudooyinkii dambe guulo la taaban karo ka sameynaayay dagaalada ay kula jiraan Ururka Al-shabaab oo inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ka talinayay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Al-shabaab waxaa si sahlan gacantooda looga saaray deegaanadii mudada 10-ka sano iyo ka badanba ay ka talin jireen mudo sadax bilood ah, kadib markii ay bilawdeen dagaalo ay hormuud ka yihiin dadka deegaanka oo isku hubeeyay sidii Al-shabaabka ka gubay guryahoodii iyo Ceelashii biyaha iska dulqaadi lahayeen.