11/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay

Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka inay Al-shabaab kala wareegeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Baay.

Deegaanada ciidamada iskaashanaya ay Al-shabaab kala wareegeen waxaa ka mid Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame. Karanoy iyo Daawuudow oo ahaa deegaano horay Shabaab gacanta ugu hayeen.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee hoggaaminaya howlgalada ka dhanka Al-shabaabka ku sugan Baay ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka iney jab xoogan gaarsiyeen Al-shabaabkii ku sugna deegaanada ay la wareegeen Maanta, walow uusan carabaabin inta uu dhan yahay khasaaraha ay Shabaab gaarsiyeen.

Wararka sidoo kale naga soo gaaraya degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay halkaasi ka sameyeen howgalo ka dhan Al-shabaab, islamarkaana ay kula wareegeeno hoostaga labadaasi degmo ee Qansaxdheere iyo Bardaale.

Howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay hormuudka ka yihiin ciidamada deegaanka oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu sii xoogeysanaya gobolada dalka, waxaana howlgaladaan haatan kusii fidaya gobolada dalka ay kasoo bilawdeen gobolka Hiiraan oo intiisa badan laga saaray Al-shabaab.












Click here
9/25/2022 4:40 PM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inay kooxda Al shabaab ka qabsadeen wax ka badan 10 deegan oo ay maamulayeen 10 kii sano ee la so dhaafay.

9/25/2022 11:31 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay shaacisay in la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay kooxda Alshabaab.

9/25/2022 10:02 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino oo Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Halgan iyo Garasyaani uu ku geeriyooday Taliyahii saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee fadhigoodu yahay gobolka Hiiraan Kornel Barre Ceyrow.

9/25/2022 8:42 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu kafiirsado hadaladiisa iyo ficiladiisa ku aadan Somaliland.

9/25/2022 7:19 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa sheegay in anay ogolayn in madaxweynaha Somaliland loo sameeyo muddo kordhin aan iyaga laga talo galin.

9/25/2022 3:59 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay saakay Al-shabaab kala wareegeen degmada Moqokori oo ka mid ah meelaha Shabaab ku awood badnayeen.

9/25/2022 3:05 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xerada Nacnaca oo ku taala degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

9/25/2022 2:23 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan haweeney tacaddi ugeysatay gabadh yar, kadib markii muuqaal laga duubay lagu faafiyay baraha bulshada.

9/25/2022 1:53 AM EST
Axad, September, 25, 2022 (HOL) - La-taliyaha amniga qaranka, Xuseen Macallin, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan qorshaha ugu jirin inay hubayso ciidamada Macaawisleyda ee qeybta weyn ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoraynayo Alshabaab.