4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyay go'aanka guddida doorashooyinka
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa soo dhaweeyay go'aanka guddida doorashooyinku ku sheegeen in ay muddo 9 billood gudaheed ah ku qabanayaan doorashada madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in uu soo dhawaynayo mudada ay qabteen guddida doorashooyinku.

“Aad ayaan uga xumahay in Muse Biixi gacantiisa ku burburiyay Komishankii D.Q ee hore  si uu mudo kordhin sharci daro ah u helo, taas oo aan marnaba u suurta gali doonin, waxa aan soo dhawaynayaa go’aanka K. D.Q ee ah inay doorashada madaxtooyadda ku qabanayaan  muddo 9-billood ah.” ayuu yidhi Faysal.

Xogeeyaha Warfaafinta Xisbiga Waddani  Maxamuud Aadan Jaamac "Gallaal"
, oo isna qoraal ku baahiyay baraha bulshada, ayaa bogaadiyay go'aanka guddida isaga oo ku macneeyay murankii doorashooyinka oo soo dhamaaday.

" Komishanka Doorashooyinka Somaliland go'aankooda in 9 billood doorashadii madaxtooyadda lagu qabto waanu soo dhoweynaynaa, waananu hambalyeyneynaa in a murankii doorashada madaxtooyada soo af-jareen" Ayuu yidhi Gallaal.

Guddida Doorashooyinku bayaan kooda kuma soo hadal qaadin haba yaraatee dooorashada urrurada ee xukuumadu dabada ka riixayso, waxayna kali ah ka faaloodeen wakhtiga suuragal ka ah ee la qaban karo doorashada madaxtooyada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]